Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta Ansixiyay Wasiiro uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland , Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka DPL iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.
Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.