Maamulka Galmudug oo degaameyn u sameeynaya Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Gaalkacyo

WARARKA

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Shiikh Xasan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug ayaaa maanta dhagax dhigay dhismaha boqolka guri ee deegaameynta loogu sameynaayo dadka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Dhagax dhiga munaasabadan ayaa waxa ka soo ka qeyb galay Gudomiyaha Gobolka mudug Ahmed xuseen Shire Bukhaari iyo gudomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo.

kale ‘ Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Arimaha Gudaha & mida howlaha guud iyo guriyeynta Galmudug, Masuuliyeenta Hay’adaha UNCHR, NRC.iyo odayasha dhaqanka Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada .

Ugu dambeeyntiina Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa sheegay dhismaha guryahaan inay wax weyn tari doonaan dadka barakacyaasha ah iyo dadka deeganka islamaarkaana ay unoqon doonaan is dhexgal bulsho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.