Soomaaliland oo Rajo ka qabta in ay Aqoonsi ka hesho qaar ka miod ah Dalalka Caalamka

WARARKA

Kaaliyihii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanayd Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sharraxaad ka bixisay mowqifka uu Mareykanku ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland, xilligii ay shaqeyneysay.

Wareysi ay Frazer siisay hay’adda madaxa bannaan ee Xiriirka Arrimaha Dibadda ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayay ku sheegtay in dowladdeeda ay markii hore ka sii jeedday arrimaha Somaliland.

Balse waxa ay shaaca ka qaadday in wixii ka dambeeyay 2001-dii uu Aqalka Cad “il gaar ah ku hayay” hannaanka ay ku socotay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.

“Markii uu George W. Bush xafiiska yimid 2001-dii, dowladda Mareykanka uma diyaarsanayn wax siyaasad ah oo ku wajahan Somaliland. Ma aannaan lahayn mowqif ku aaddan Somaliland xilligii aan ololaha ku jirnay, haddii aan sidaas u dhigo, waayo uma hadli karo maamulkii Clinton.

“Balse waxaan waqtigaas usoo shaqeeyay si ku meel gaar ah, ma xasuusto warqado ama warbixinno ka yimid maamulka Clinton oo ku saabsan Somaliland ama Soomaaliya oo arrintaas la xiriira. Waan isku daynay inaan raadinno dukumiintiyo balse Soomaaliya iyo Somaliland waxaa loo aqoonsanaa hal waddan. Annagu run ahaantii ma aannaan lahayn siyaasad madax bannaan oo khuseysa Somaliland, oo dhaafsiisan in ay ahayd qayb ka mid ah Soomaaliya.”

Mareykanka ayaase ugu dambayn fiiro gaar ah u yeeshay Somaliland kaddib markii ay dhaceen weerarradii daaraha mataanaha ah, sida ay faahfaahisay Jendayi Frazer.

“Qorshaheenna ku aaddan Somaliland ma lahayn wax dhaqdhaqaaq ah ilaa aan si hoose u eegnay wixii ka dambeeyay 9/11 2001 oo ahayd markii lasoo weeraray dhulkeenna. Sidaas awgeed, sagaalkii bilood ee ugu horraysay maamulkii Madaxweyne Push, Soomaaliya kama aysan soo muuqanin liiska mudnaanta.

“Markii aan billaabay inaan eego anigoo kaashanaya howl-wadeennadii kale ee maamulka Bush, waxaa noo muuqatay in ay ku tallaabsadeen dimuqraaddiyad wayn iyo amni. Waxay lahaayeen afti dastuur oo loo codeeyay 2001, taasoo lagu dalbaday in lasoo celiyo madaxbannaanida, sanadkii 2003-diina, waxay doorteen madaxwaynihii ugu horreeyay ee Somaliland.

“Waxay qabteen doorashooyinkaas dimuqraaddiyadda ah waxayna sii xoojiyeen amniga. Sidaas si ka duwan, Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad ku meel gaar ah oo aan awood u lahayn inay cagaha ku istaagto walina la daalaa dhacaysay dagaallada qabiillada iska soo horjeeda.

“Marka farqiga u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland iyo rabitaanka beesha caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, ee ahayd in la taageero Somaliland wuu sii kordhayay. Waxay ila tahay waa markaas xilliga aan si buuxda ugu soo jeedsannay Somaliland,” ayay tiri Frazer.

Xilligaas ayay sheegtay in Mareykanka uu la tacaalayay kooxaha argagixisada ee halista ku hayay Soomaaliya. Ka hor inta aysan soo bixin maxkamadihii Islaamiga, waxaa jiray ururkii Al Itaxaad Islaamiya oo Mareykanku uu u aqoonsanaa argagixiso calami ah, inkastoo aan markaas loo arkeynin inay khatar ku ahaayeen dunida.

Washington ayaa sidoo kale raadinaysay meel nabad ah oo ka tirsan geeska Afrika oo ay ka wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Qaacida, xilligaasna ay Somaliland ahayd meel nabdoon oo ay isha ku hayeen, sida ay qirtay saraaladdan hore.

Si gaar ah kaaliyihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa ay shakhsi ahaan u rabtay in la aqbalo gooni isu taagga Somaliland.

“Aniga waxaan dareemayay in ay habboon tahay in la aqoonsado in Somaliland ay noqoto dal madaxbannaan. Waxa uu ahaa dal markii horeba xor ahaa 1960-meeyadii oo si iskiis ah ula midoobay Soomaaliya,” ayay tiri.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ahayd waddamada sida xoogga leh u taageerayay in gooni isu taagga Somaliland la aqoonsado.

Sidoo kale Kenya iyo Itoobiya ayaa u dabacsanaa in ay taageeraan madaxbannaanida Somaliland, sida ay wareysigan ku xaqiijisay Jendayi Frazer.

Hase yeeshee waddamada Jabuuti iyo Uganda ayaa si wayn uga soo hor jeeday mowqifkaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Nigeriga ayaa qabtay aragti ay ku taageersanayd Somaliland.

“Waxaan dareemayay inuu jiray isbahaysi uu hoggaaminayay Midowga Afrika kaas oo taageerayay gooni isutaagga kaddibna uu Mareykanku ku biiri doono, laakiin taasi ma dhicin.” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.