Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan ururka iskashiga islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan ururkaasi iyo qunsulka Soomaaliya ee Jiddah

0
73

Wakiilka Joogtada ee Dowladda Soomaaliya  u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka Somaaliya ee magaalada Jiddah Dr. Amed Maxamuud Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan ururkaasi.

Xubnahaan waxa ay ka wadahadleen mas’uuliyadda laba xafiiis ka saran xoojinta xiriirka dalalka Islaamka iyo in waxqabadkooda lagu saleeyo istaraatiijiyadda qaranka dowladda Soomaaliya .

Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ,waxaa kale oo uu la kulmay kaaliyaha xoghayaha biniaadnimada iyo dhaqanka ururka Iskaashiga Islaamka ,isagoo kala hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirtaa dalka Soomaaliya iyo sida loogu gurman karo dadka .

Ergeyga Joogtada ,ah ee Soomaaliya.waxa uu horay ula kulmay xubnaha Dalalka Falastiin iyo Turkiga eek u jira  ururkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here