Tik Tok oo Hawada laga saarayo

0
236

Toddobo maalin ayaa ka dhiman waqtiga loo qabtay in ay ku soo jawaabaan shirkadaha Google iyo Apple oo lagula taliyay inay teleefoonnadooda (suuqyadooda dhijitaalka ah) ka tiraan App-ka Tiktok. Waxaa lagu eedeeyay Tiktok in uu ku xadgudbay xogta gaarka ah isticmaaleyaashiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Federaalka ee Mareykanka Brendan Carr ayaa warqad uu u qoray ku waydiiyay shirkadaha telefoonnada in 8-da bishan Luulyo ay soo kala caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Tiktok.

“Google iyo Apple waxay muddo dheer sheeganayeen inay u howlgalaan hab ilaalinaya xogta gaarka ah ee macaamiishooda. Sidaas daraaddeed waxaan idinka codsanayaa in aad Tiktok ku dabaqdaan siyaasaddiinna oo aad ka masaxdaan suuqyadiinna dhijitaalka ah ee App Store iyo Google Play Store, maaddaama ay u hogaansami waayeen siyaasadahaas.

“Haddii xilligaas ka hor aad tiri waysaan, fadlan jawaabo gaar gaar ah i soo siiya ilaa siddeedda Luulyo oo aad ku sharraxeysaan go’aankiinna,” ayuu yiri Brendan.

uddo sanado ah ayay taagan tahay eedda loo jeedinayo Tiktok ee la xiriirta ku xadgudubka xogta gaarka ah. Hase yeeshee, haddii ay shirkadaha waaweyn ee warqadda loo diray ay fuliyaan codsiga, arrintan uma muuqato mid saameynteeda ay ku koobnaan doonto oo keliya dadka jooga Mareykanka.

Isbeddelka suuqyada dhijitaalka ah ee Apple iyo Google wuxuu saameyn karaa qof kasta oo telefoonnadooda haysta, meel kasta oo uu adduunka ka joogo.

Waxaa suurtagal ah in aad berri soo toosto telefoonkaaga oo aanu ku jirin Tiktok.

Saameynta ugu horreysa waa in dadka qabatimay ay weyn doonaan isticmaalkiisa. Sidoo kale, dadka caanka ku noqday ee shacbiyadda ku kasbaday waxay lumin doonaan taageero iyo saameyn.

Arrinta intaas oo dhan ka muhiimsan waa in lacagta laga helo ay meesha ka bixi doonto.

Dhaqaale ahaan lama mid ah sida bogagga kale ee ay bulshadu ku xiriirto sida YouTube. Laakiin,  muuqaallada tooska ah ee haddiyadaha la isugu diro iyo xayeysiimaha ayaa lacagta ugu badan laga helaa.

Shirkadaha internet-ku waxay ururiyaan macluumaadka dadka sababo badan dartood. Waa xaqiiq bannaanka taalla oo aan lagu muransaneyn. Hase yeeshee, waxaa walaac leh maxaa xogtaas lagu sameeyaa? Yaa haya oo arki kara? Maxayse kuu dhimi kartaa qof ahaan haddii si qaldan loo adeegsado?

Mid ka mid ah sababaha ay shirkaduhu u ururiyaan xogtaas waa in ay la socdaan hab-dhaqanka iyo dabeecadaha macaamiishooda, waxay ku doodaan in ay taas u sameeyaan si ay dadka u soo bandhigaan xayeysiimo sax ah. Waxaa laga yaabaa halista ka dhalan karta tallaabooyinkaas in aysan dad badan hadda ku baraarugsaneyn, balse ma howl yara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here