Booliska Soomaaliya oo sheegay in nooc ka mid ah quraanjada, oo ay Soomaalidu u taqaan “Jirac” uu ka mid yahay daroogada.

0
164

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in nooc ka mid ah quraanjada, oo ay Soomaalidu u taqaan “Jirac” uu ka mid yahay daroogada.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii la arkay dad xayawaankaas dab ku kululaynaya kaddibna uumigiisa neef ahaan u qaadanaya si ay ugu mirqaamaan.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in dadku ay si ulakac ah u isticmaalaan Jiraca, iyagoo “qaybo ka mid ah ka jara jirkiisa ka hor inta aysan dabka saarin”.

“Jiraca wuxuu ka mid noqday maandooriyaha. Waxaa laga jarayaa dabada kaddib dabka ayaa la saarayaa waana lagu daboolayaa, marka uu muddo karkaro oo uu qaac sameeyo ayaa lasoo fariisanyaaa sanka ayaana la wada saaranayaa,” ayuu yiri.

Arrintan ayaa dad badan ku noqotay mid ugub ah, inkastoo qaar kalena aysan fajac ku noqonin.

Hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa ka digay in la isticmaalo Jiraca oo leh aashito halis ah, taasoo sababi karta madax wareer, lalabo iyo matag.

Jiraca oo magaciisa seyniska afka qalaad loogu yaqaanno uu yahay “tapinoma sessile” ayaa caan ka ah dunida, waxayna khubarada caafimaadka sheegeen in ay jirkiisa ku jirto sun aashito ah.

Waxa uu ka mid yahay bahda quraanjooyinka ee ka kooban afarta qaybood, oo kala ah: Quraanjada guriga ee udugga leh, Quraanjada sokorta oo ay Soomaalidu u yaqaannaan Macaan jecel, Jiraca iyo quraanjada qumbaha.

Bahda quraanjada ee uu ka mid yahay Jiraca aan ka hadlayo ayaa ka mid ah xayawaannada ugu adkaysiga badan ee la qabsata cimilo walba, sida lagu qoray bogga ka faallooda arrimaha xayawaannada ee “Animal Diversity”.

Jiraca marka la taabto ayuu kasoo baxa qurmuun, kaasoo ka imaanaya sunta aashitada ee jirkiisa ku jirta oo uu hub ahaan u adeegsado.

Dhulka uu qabowga xad dhaafka ah iyo kulalyka daran ka dhaco ee Waqooyiga Ameerika ayay quraanjadu si caadi ah ugu nooshahay, waxayna ka mid tahay nooleyaasha ma guuraanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here