Ciidamada Booliska degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa howgal ay Fuliyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen rag burcad hubeysan ah oo dhac ka geysanayay xaafado katirsan degmadaasi Dayniile.
kooxda Burcadda ah ayaa isugu jiray rag ku labisnaa dareeska Ciidamada Millateriga Soomaaliya sidoo kale watay qoryo iyo rag kale oo iyana tooreeyo ku hubeysnaa.
Kooxda la qabtay oo gaaraya 5 Ruux ah ayaa waxaa dhibaato kalaa kulmi jiray Shacabka kunool xaafadaha degmada Deeyniile, kuwaas oo dhowr jeer ay dhac u geysteen.
War kasoo baxay maamulka degmada Deyniile ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaKooxdaan lagu qabtay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen cabasho uga timid qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degmada Deeyniile.