Waxaa dalka Eriteria booqasho ku jooga madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .
Booqashada madaxwaynaha oo ah safarkiisii saddexad ee uu dibadda ku tago ayaa leh ahmiyad gaar ah maadaama ay Eriteria ku sugan yihiin ciidamo badan oo halkaasi lagu tababaray.
Ciidamadan ayaa waxaa xilligii uu joogay madaxwaynihii hore uu muran badan ka dhashay islamarkaana waxaa imika la rajeynayaa in dalka dib loogu soo celiyo.
Hase’ahaatee ‘ Markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ballan qaaday in dalka dib ugu soo celin doono ciidamo Soomaali ah oo tababar ku qaadanayay dalka Eritrea.
Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea. Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.
Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muhiimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021. “Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso,” ayuu yiri Farmaajo.