Ehelada Dhalinyarada Tababarka loogu qaaday dalka Eratareeya oo maanta dibadbax dhigay

WARARKA

Qaar Waalidiintii dhalay Dhalinyaarada ku maqan dalka Eritrea ayaa maanta dibad-bax ka dhigay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay muuqaaladooda la helay dhalinyaradaasi Soomaaliyeed.

Waalidiinta oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si weyn ugu mahad-celinayey madaxweynaha Soomaaliya oo xeradooda ku booqday dhalinyaradaas oo tababar loo geeyey Eritrea.

waalidiinta ayaa sheegay inay ku farxeen muuqaalka dhalinyaradaas oo markii u horeysay shalay la arkay iyadoo uu booqanayo madaxweynuhu.

“Waxaan u mahadcelineynaa Alle SWT, bacdeyn madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxmauud tallaabada uu qaaday ayaan uga mahadcelineynaa, waxaana u mahadcelineynaa madaxweynaha dalka Eritrea oo marti qaaday,” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka mid ahaa waalidiinta

Sidoo kale ‘ Waxaa uu ka dalbaday madaxweynaha uu deg dalka ugu soo celiyo dhalinyaradaasi.

“Waxaan ka codsaneynaa in ilamaha sida dhaqsiyaha badan dalka loogu soo celiyo tallaabada uu qaadayna uu ku xajiyo aadna ayuu u mahadsan yahay madaxweyne Xasan,

Leave a Reply

Your email address will not be published.