Somaliland ayaa ka falcelisay wararka sheegaya in wafdi hoggaaminayey wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ay shir uga qaybagleen dalkaa Israa’iil, sida laagu qoray wargeyska The times of Israel oo sheegay in lagaga hadlay xiriirka Israa’iil & Afrika.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu beeniyey warkaasi, waxaana Wasaaraddu ay shaacisay in waxba kama jiraan ay tahay arrintaasi.
“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadhaandhigga Somaliland.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaaamtay in xilligaas wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ku maqshuulsanaa xuska 18 May, maadaama uu ka mid ah guddiga qaban-qaabada ee xuska.