Madaxda Dawlada Federaalka oo kulan gaar ‘ah ka yeeshay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Boosaaso

0
167

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa la sheegay in kulan gaar ah ay ka yeesheen Shaqaadadii maalin ka hor ka dhacday magaalada Boosaaso.

Kulanka labada mas’uul waxaa sidoo kale ka qayb-gashay, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Sacdiya Salaad oo safarkeedii Boosaaso uu sabab u noqday dhacdadii khasaaraha dhalisay.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu ay ka codsadeen Sacdiya Salaad in aysan Warbaahinta uga hadlin wax khuseeya dhacdadii Boosaaso, si aysan saamayn ugu yeelan xiriirka dowladda Federaalka iyo Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Siciid Deni ayaa uga tacsiyeeyay Shaqaaqadii Khasaaraha sababtay ee ka dhacday Boosaaso, islamarkaana u sheegay in uu dhowaan safar ku imaan doono Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here