Maxaa ka soo baxay Kulanka Golaha Wasiirada Jubland?

0
180

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada oo lagu qabtay magaalada kismaayo .

Madaxweynaha Jubland ayaa golaha Wasiirada Jubland la wadaagay natiijada iyo habka loo maray imtaxaanka agaasimayaasha guud ee qaar kamid ah wasaaradaha ee dhawaan la qaaday isagoo tilmaamay in sababta shirkad ajinabi ah loogu doortay qaadista imtaxaanka inay tahay sidii looga fogaan lahaa eex iyo nin jeclaysi isla markaana hogaaminta Cusub ee wasaaradahu ay u noqon lahayeen kuwo aqoon ahaan iyo karti ahaanba kasoo bixi kara waajibaadka saaran.

daxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shaqo abuurka dhalinyarada isagoo xusay in la joogtayn doono isla markana ahmiyad gaar ah la siin doono shaqo abuurka dhalinyarada si ayna ugu dhicin falal danbiyeedyo loogana faa’iidaysanin waxyaabo naftooda khatar ku ah sida tahriibka.

Dhinaca kale Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta amniga Jubaland ee todobaadkii tagay iyadoo wasaaradu ay ka warbixisay shaqooyinka u danbeeyay ee Wasaarada iyo hay’adaha amniga ay qabteen.

Sidoo kale Wasaarada maaliyada ayaa ka warbixisay qorshaha Wasaarada ee sanadka 2022/2023 ee hormarinta dakhliga guud ee Jubaland iyadoo la raacayo tijaabooyinkii u danbeeyay iyo khibradaha laga dhaxlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here