Maxaabiis ka baxsatay Xabsi ku yaala Magaalada Gaalkacyo

0
186

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maxaabiis xukuman ka baxsadeen xabsi gaar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntland, gaar ahaanna Booliiska Gaalkacyo, waxaana ayaa xaqiijiyay warka maxaabiista baxsaday.

Saraakiisha ayaa sheegay in 7 maxbuus oo dil ku xukuman, kadib markii Al-shabaabnimo lagu helay ay isku dayeen in ay ka baxsadaan xabsiga, balse saddex kamid ah la qabtay, halka midna uu ku dhintay rasaastii ciidanku riday.

Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in saddex kamid ahaa maxaabiista dilka ku xukuman ay gebi ahaanba baxsadeen, islamarkaana weli la raadinayo, iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay sawiradooda, si loo aqoonsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here