Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre oo wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada Cusub

0
157

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.

Xamse oo Xildhibaanada Beelkasta si gaar ah ula kulmaya ayaa kala hadlaya arimaha la xiriira Magacaabista Golaha Wasiirada ee XFS.

Todobaadkan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada iyadoo ay socdaan latashiyadii ugu danbeeyay.

R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa  doon­ayo in wasi­irada uu gaar­si­iyo il­laa 30 xub­nood, halka markii hore ay ahaay­een 26 Qor­shaha wasi­irka koowaad ee xuku­umadda cusub ayaa ah inuu soo ko­rd­hiyo ugu yaraan il­laa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda dee­gaanka.

Xuku­umadda cusub ayaa waxaa ho­ryaallo shaqooyin adag oo ugu hor­reyso wax ka qabashada am­maanka iyo xaal­adaha abaa­reed ee haatan ka jira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here