Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka Tacsiyadeeyay Qaraxii maanta ka dhacay Jowhar

0
96

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaalada.

Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballanqaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here