Al-Shabaab ayaa la sheegay in
ay maamusho 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay isku ballaarisay
sanadihii dhowaa, ayada oo ka faa’ideeystay khilaafyada siyaasadeed ee
mas’uuliyiinta Soomaalida dhexdooda, waxaa sidaas qoray wargeyska Washington Post.
Halka ay
dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la sheegay in ay xukumaan Muqdisho iyo caasimad goboleedyada, -ayaa
maamula dhul lagu iyo qiyaaso boqolkiiba
5,000 illaa 7,000 ayaa maamula tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha.
“Waxaan
aragnay Alshabaab inay ballaariyeen dhulka ay haystaan,” waxaa sidaas tiri
Samira Gaid, oo ah agaasimaha fulinta ee machadka daraasaadka amniga ee Hiraal
oo la hadashay Washington Post.
“Waxaan aragnaa inay sii noqonayaan kuwa aan la loodin karin.
Al-Shabaab
ayaa laba laabtay weerarada ay ka fuliso Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2015
illaa 2021.
xilligaas waxaa dalka maamulayey Dawladii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo, oo intii uu la dagaalami lahaa Alshabaab ka door-biday inuu xooggiisa
isugu geeyo inuu la-dagaalo maamul goboleedyada dalka, siyaasiyiinta mucaaradka
iyo sidii uu xukunka ku dheereysan lahaa.
“Al-Shabaab waa kooxda ugu weyn, ugu hodansan uguna dilka badan kooxaha ku
xiran Al-Qaacida, waxay mas’uul ka tahay geerida kumanaan qof oo aan dambi
gaysan oo ay ku jiraan Mareykan,” waxaa sidaas bishii Febraayo yiri Gen.
Stephen Jeneraal . Townsend, madaxa taliska AFRICOM ee Mareykanka.
Arrimo dhowr ah oo isbiirsaday ayaa xoojiyey kooxdan. Waxaa ka mid ah
xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya, taageeradii ciidamada Mareykanka oo yaraatay,
ciidamada AMISOM oo ah wax-matarayaal iyo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeed
oo aan laheyn istaraatiijiyad looga hortago kooxdan oo wax ku ool ah, ayey tiri
warbixinta Washington Post.
Ciidamada Soomaaliya ayaa ah kuwa weli aan sameyn horumar, inkasta oo sanado
badan ay tababar siinayaan Mareykanka iyo dalal kale.
“Weerarada muqaawamada ee dhimashada leh ee Al-Shabaab ayaa sii socda ayada
oo dhammaadka uusan muuqan,” ayey ku tiri kooxda xasaradaha caalamiga ah ee
International Crisis Group (ICG), warbixin ay soo saartay bishii tagtay.
“Kooxda mar kasta tallaabo ayey ka horeysaa howlgallada militari. Marka taas
lagu daro isku dhex yaaca cadowgeeda, waxay ka dhigan tahay inay ku milmeen
bulshada Soomaaliyeed. Taas waxay adkeyneysaa in laga adkaado,” ayey tiri ICG.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay laba bil kahor
ayaa ballan-qaaday inuu ka adkaan doono, isaga oo sheegay inuu dagala saddex
jiho ah la geli doono Al-Shabaab.
Hase yeeshee, ballanqaadkiisa waa mid la eegayo inuu fuli doono in kale,
ayada oo horey ballan-qaadyo ay u sameeyeen madaxdii ka horeysay aysan waxba ka
miro-dhalin.