Ciidamo ka Tirsan Hawlgalka ATMIS oo Qarax lagula eegtay Muqdisho

WARARKA

Wararka ka imaanaya Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Warta Nabada ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS, lagula beegsaday halkaasi

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa la soo sheegayaa inuu haleeyay gaari ay la socdeen ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Goob joogayaal sheegay in qaraxa uu khasaare kasoo gaaray ciidamada lala eegtay iyo dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay .

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka ATMIS ee la qarxiyey ay fureen rasaas xoogan, balse la oga khasaaraha ka dhashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.