Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nur (Madobe) ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha geeska Africa ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Finland mudane Suldaan Siciid Axmed iyo safiir ku-xigeenka Safaarada Findland ee Kenya iyo Soomaaliya Amb. Otto Stenino.
Guddoomiyaha oo wabixin ka dhageystay Ergeyga ayaa bogaadiyay in dowladda Finland ay la garab taagan tahay horumarinta iyo iskaashiga labada Baarlamaan oo ay ugu horeeyaan dib u eegista dastuurka iyo wax ka qabashada gurmadka Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.