Laamaha Amniga Degmada Heliwaa oo Hawlgal ku qabtay Rag Dad shacab ah dhac u geysanayay

0
79

Ciidamada Booliska Degmada Huruwaa ayaa Howlgal ay ka sameeyeen degmadaas waxaa ay kusoo qabteen Afar qof oo dhac u geysanayay Shacabka Xaafada Suuqa Xoolaha.

Ragga la soo qabtay ayaa la sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ay dhibaata ku hayeen Dadka ku Nool Xaafada Suuqa Xoolaha, isla markaana dhowr Mobile ay ka dhaceen.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Hiliwaa ayaa sheegay in Afarta ragga ah oo ay qabteen ay u gudbiyeen Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da, sidoo kalena ay jiraan rag kale oo ay baadi hoobayaan.

” Cabasho ayaa dhowr jeet nooga timid Shacabka degmada, Burcad horay waan u qabanay hadana waan wadnaa howlgalka ka dhanka ah ilaa aan ka suulino xaafadaha degmada ayuu yiri” Sarkaal katirsan laamaha Amniga degmada Hurwaa.

Xaafado badan oo kuyaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadka kunool muddooyinkii dambe ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo fhac u geysanaya mararka qaarna dilaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here