Maxay ka wada hadleen Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Wafdi ka socda dalka Finland?

0
138

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Suldaan Saciid Axmed, oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, ahna Ergayga cusub ee Finland u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xildhibaanka kala hadlay kaalinta dowladda Finland ee ku aaddan taageerada barnaamijka xukuumadda ee dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Mudane Suldaan Saciid Axmed, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo doorto baarlamaanka Finland, ayaa dhowaan waxaa loo magacaabay xilka cusub ee ah in wasaaradda arrimaha dibedda ee Finland uu u qaabilsanaado nabadeynta iyo dhexdhexaadinta gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here