Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukun ku riday Nin lagu Eedeeyay in Alshabaab uu ka tirsanaa

0
97

Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir” ayaa u dhaawacmay August sanadkii tegay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Amniga kadib Bam uu ku tuuray waaxda Taleex

ilaa 2018 ayuu Alshabaab ka tirsanaa, waxa uuna labadiisii sano ee u horreeyay ku qaatay degaanada Alshabaab , waxa uu dhowr dagaal ahla sheegay in uu ka sameeyay Gobalka Shabeelada Hoose.

kadib markii uu ka bogsaday dhaawicii ay Ciidamada Amniga u gaysteen, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada lagu soo Wareejiyay Sanadkan.

Baaritaan dheer kadib, waxaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin Bambooyin uu ku Tuuray Bar Ciidamada Amniga ay ku lahaayeen Warshadaha Gaar ahaan Warsame Dool iyo Bamka uu ku tuuray Taleex oo ahaa kii lagu Qabtay oo ay Ciidamada Amniga ku dhaawaceen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay 20-sano oo Xabsi Ciidan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here