Ciidanka Booliska Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo soo bandhigay Nin gacan ku dhiigle ah

0
72

Taliska Booliska Dagmada Caabudwaaq ayaa soo bandhigay Axmed Dhagadheere oo labo Maalmood ka hor Dagamada Caabudwaaq ku dilay taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Gabar la dhalatay Xaawo Cumar Geelle.

Ninkaan oo ah Askari katirsan Ciidanka Millateriga ayaa howlgal xalay laga sameeyay duleedka degmada Cabudwaaq lagu soo qabtay.

Ciidamada ayaa gacan ku dhiiglahaan baadi goobayay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana loogu sheegay in uu u baxsaday dhinaca Gobolka Mudug, hayeeshee ay ka qabteen degaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here