Dagaal ka dhacay Degaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose

0
156

Dagaal culus ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka laanta buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Uganda ku leeyihiin degaanka laanta buuro, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in intii uu dagaalka socday ay Ciidamada ATMIS madaafiic ku garaaceen dhinaca uu kaga yimid weerarka Al-Shabaab balse aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay cabsi xoogan soo wajahday intii uu dagaalka socday, iyaga oo ka baqdin qabay inay waxyeelo kasoo gaarto balse ay ka badbaadeen.

Warar ka imaanaya degaanka laanta buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo inta badan ay degan yihiin dad xoolaleey ah ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay  mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga uu yahay mid caadi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here