Gudoomiyaha Golaha shacabka oo qaabilay Danjiraha dawlada Ingariiska ee Soomaaliya

WARARKA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha iyo in ay si buuxda u taageeri doonto tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.