Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka oo mamnuucay Heshiisyada ay galaan Hay’addaha Dawlada

WARARKA

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka
wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah
Hay’adaha DFS ay billaabeen qorshaha
hannaan lagu meelmarinayo dhaqangalinta
heshiisyo waa wayn (concession contracts) oo
ku kacaya malaayiin doollar kuwaas dalka ku
yeelanaya saamayn dhaqaale oo taban.

Xafiiska ayaa ka hortagay isla markaasna
joojiyay heshiisyadaas isaga oo ku wargaliyay
dhammaan Hay’adaha Dowladda in aysan gali
karin heshiisyo inta laga helayo Xukuumad
rasmi ah oo xilka la wareegta. Ugu danbayn,
Xafiiska ayaa arrinkan horay uga soo saaray
warqad uu ku joojiyay gelitaanka heshiisyada
waa wayn inta lagu guda jiro waqtiga
xilgaarsiinta.

Amarkaan kasoo baxay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa daba socday kadib markii ay soo baxday in Xubnaha Golaha Wasiirada ee xilgaarsiinta ah inay heshiisyo ku kacayay malaayiin dollar ay la galeen dhirkado iyo dowladdo kale, iyaga oo ka faa’iideysanayay waqtiga kala guurka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.