Maraykanka oo duqeyn ka geystay gobolka Jubada Hoose

WARARKA

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada mareykanka ee afrika ee africom ayaa lagu sheegay in ciidamada mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda in ay duqeyn ka fuliyeen deegaanla labikuus ee jubbada hoose 17kii bishaan july kadib markii alshabaab ay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaas ku sugnaay.

Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamo la asteeyay in ay yihiin saaxiibada mareykanka.

Africom ayaa sheegtay Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ay muujineyso in laba ka mid ah al-Shabaab lagu dilay hawlgal iyo in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay marka la eego sida ay wax u dhaceen. Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska africom.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Sida lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay mareykanka.

Warsaxaafadeedka ayaa intaa lagu daray In Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ay weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka kasoo baxay mareykanka ayaa lagu sheegay in ururada argagaxisada ay khatar ku yihiin somalia, gobolka iyo danaha Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.