Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysya tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka hadashay in ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea ay qeyb ka noqdeen dagaalkii Itoobiya ee Tigray.
Afhayeenka Madxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha madaxtooyada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Itoobiya.
“Warkaas waa ku-tiri-kuteen, war si rasmi ah oo dowladda kasoo baxay ma ahan, ciidamadaas tababarka waa dhameysteen waana 5 Kun oo askari, dhawaan ayaa lagu soo celinayaa dalkooda si ay u gutaan waajibaadka loo soo tababaray,” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.
Waxa uu sheegay in shanti kun ee askari ee “la la’aa” la helay, madaxweynuhuna kasoo warramay, guddiga waalidiinyta askartaas uu la kulmay.
Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya warar muddooyinkii dambe la isla dhex-marayay oo ku saabsanaa in ciidamadaas ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Itoobiya ee dhex maray dowladda dhexe iyo xoogga Tigray-ga.
Warbixin kasoo baxday Guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in ciiddan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ay ku lug lahaayeen dagaalkii lagu qaaday gobolka Tigray