Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo gaaray Degmada Caabudwaaq

0
83

Wafdiga Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

wafdiga Gudoomiyaha ayaa la sheegay Magaalada Caabudwaaq u taggeen, sidii ay u dhageysan lahaayen rag ku xiran xabsiyada magaaladaasi, oo eedeymo kala duwan loo haysto.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa lagu wadaa in dhageysiga ka dib uu go’aan ka gaaro xubnaha ku xiran xabsiyada Caabudwaaq.

Ciidanka Booliska Caabudwaaq ayaa gacanta ku haaya nin loo heysto in uu dilay taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug iyo Gabadh la dhalatay, waxaana lagu waddaa in la bilaabo dhageysiga kiiskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here