Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo beeniyay wararka la xiriira gabdho Afduub loo geystay

0
66

Booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay in la afduubtay labo gabdhood oo walaalo ah oo horey saxaafadda looga shaaciyay in la afduubtay xilli habeen ah iyagoo ka maqan gurigooda.

Afhayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in gabdhahaan ay abaabuleen qorshe ah in la afduubtay, si ay uga badbaadaan cannaanta waalidkooda, kadib markii ay hoygooda kasoo daaheen habeen.

Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in Aabbaha dhalay gabdhahan uu Booliiska u xaqiijiyay in gabdhihiisa ay u sheegeen cabsi ay ka qabeen inuu garaaca ay gurigooda uga maqnaayeen, iyagoo soo wacay una sheegay in la afduubtay. Balse ay taasi ahayd mid been ah.

Dhankiisa Aabe Cabdullaahi Cismaan Abkow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu walwal xoogan dareemay markii uu waayey carruurtiisa, wuxuuna tilmaamay in mar xitaa loo sheegay in gabdho meydad ah lasoo dhigay xaafadda Tiida ee magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayaa warbaahinta laga sii daayay wareysi laga qaaday gabdhahaan, kuwaas oo sheegay in sanka wax loo mariyay oo la afduubtay, hase ahaatee, markii dambe iyaga ayaa gurigooda lugahooda ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here