Gudoomiyaha Golaha shacabaka Baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Fariin la wadaagay Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya
Fariinta Gudoomiyaha Golaha shacabka oo uu la wadagay Xildhgibaanada ayaa ahayd Codsi ka yimid Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xams Cabdi Barre taas oo la xiriirta in uu hor tago Xildhibaanada Golaha shacabka si uu u weydiisto in Muddo 10 Maalmoodah loogu daro muddada uu ku soo magacaabayo Golaha wasiirada Cusub ee Soomaaliya .
Fariinta uu Gudoomiyaha Golaha shacabaka uu la wadaagay Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa u qorneydsidaan:
Beri oo isniin ah, taariikhdu tahay 25 July waxaa jira kulanweynihii Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka Codsi ka yimid Xafiiska R/Wasaaraha XFS
Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa
Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo