Madaxweyne Xasan sheekh oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Masar

WARARKA

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

May be an image of 5 people, people standing and suit

Leave a Reply

Your email address will not be published.