Xubno ka Tirsan Alshabaab oo ka talaabay Xadka Soomaaliya kala dhexeya Itoobiya

0
59

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in dXubno ka tirsan Al-Shabaab ay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.

Wuxuu intaa ku daray in dadka deegaanka ay u sheegeen in dagaalyahanno lagu qiyaasay 200 ay ka tallaabeen Gobolka Hiiraan isla markaana ay galeen dhinaca Itoobiya.

“Markii aan dadka weydinayay, waxay noo sheegeen in ilaa 200 nin ay ku dhaw yihiin” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo kuwa Soomaaliya ay iska kaashanayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dagaal ka dhan ah Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here