Duqayn ka dhacday koofurta Soomaaliya oo lala eegtay Xubno ka Tirsan Alshabaab

0
142

Warrarka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday bar koontarool oo ay joogeenXubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobbolka Shabeellada Hoose, ayaa waxa xigay hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helokobtarada.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow ciidamada Danab, waxa labo gantaal oo ay riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay bar ay canshuuraha ku qaadi jireen Al-Shabaab, waxana markii dambe ku daatay ciidamo ka dagay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Illaa hadda Al-Shabaab kama hadlin weerarka ka dhacay Tooratoorow, mana jiraan illo madaxbannaan oo ka hadlaya sida aagaasi waxa uga dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here