Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gaadiido) lagu magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Madaxweyne ku xigeenka.
5-tii May ee sannadkan 2022 ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu Cabdirisaaq Gaawiido u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Puntland.
Waxaase magacaabiddaas diiday Madaxweyne Siciid Deni oo markaas ku sugnaa magaalada Muqdisho islamarkaana ma dhaqan-gelin.
Sidoo kale Cabdirisaaq Gawiido waxa uu horey u soo noqday La-taliyihii Amniga ee Madaxweynaha Puntland ee Gobolka Mudug.
Magacaabida xilkan cusub ee Gawiido ayaa ku soo aadeysa iyadoo horey uu khilaaf uga dhashay markii loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Puntland.