Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta Xukun dil ah ka fulisay Gobolka Galgaduud

WARARKA

Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis  Xaawo Cumar Geelle.

Goobta lagu fulinayay xukunka oo ahayd bartamaha Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta,Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda Galmudug ayaa dhawaan xukun dil ah ku ridday Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) kadib markii lagu helay in dil bareer ah uu bartamaha degmada Caabudwaaq ugu geystay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.