Wararka ka imaanaya Degmada Marka ee Gobolka shabreelaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin oo maanta ka dhcay degmadaasi lagu dilay Gudoomiyihii degmadaasi Cabdulahi Waafoow
Qaraxa ayaa ka dhacay Albaabka hore ee xarunta dawlada Hoose ee Marka waxaana Cabdulaahi waafoow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Qorsheynta iyo dib u dhiska Magalada Marka Saalim Hasssan Buraale u waramay wariye ilyaas Daa’uud xasan ayaa sheegay in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday Guddoomiyihii magaalada xilli uu ku sugnaa Nawaaxyiyaga Xarunta Degmada .
diorisaala.com&dtd=20 Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Guddoomiyihii Maamulka degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, isla markaana qofka is qarxiyay uu ku dhegay Guddoomiyaha.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay inay khaarajiyeen gudoomiyihii magaalada Marka Cabdillaahi Cali Waafow.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Warasiga Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada :