Taliyaha Booliiska qaybta bari ee gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka haatan ka jira qaar ka mid ahXaafadaha Magaalada Muqdisho ee lagu tilmaamayo Ciyaal weero ay arintu ka gudubtay ayna isku badaleen Buracd
Gaashaanle Cali Calasow Goofgooje oo warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan ayaa sheegay iney la yaab ku noqotay markii uu arkay wiil iyo Aabihiis oo ka wada tirsan Kooxaha Ciyaal weerada.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in caqabadaha ugu daran ay ka mid yihiin in waalidinta marka hore ay kasoo cabanayaan kooxaha dhibaateeya ee Ciyaal weerada ah, markii gacanta lagu so dhigana ay ka daba yimaadaan, waxuuna ka dalbaday waalidiinta in caruurta marka hore ay guryahooda ku xakameystaan ama aysan ka daba imaan marka gacanta lagu soo dhigo.
Hadalka taliyaha Booliiska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ay mudooyinkii dambe kusoo kordhayeen dhibaatada Kooxaha Ciyaal weerada ay u geysanayaan dadka shacabka ah, haba ugu sii darnaatee dadka ku dhaqan degmooyinka Kaaraan, Dharkenleey iyo Madiina.