Dhageyso: Oday Dhaqameedyo ka soo Jeeda Koofur Galbeed oo Eedeeyay Madaxweyne Lafta Gareen

WARARKA

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed ayaa ku Eedeeyay Madaxweynaha dawlada Gobolkeedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen in uu bilaabay Hub Aruursi iyo in uu Tabaro bararo Ciidamo isaga u dagaalama.

Malaaq Ilyaas Kulubow Isaaq oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda degaanada Koofur Galnbeed ayaa sheegay in Madaxweyne Lafta Gareen Muddo  xileedkiisa uu gabo gabao marayo isalamarkaana si uu xukun u sii heysto uu doonayo in baarlamaanka Koofur galbeed muddo kororsi ay u sameeyaan

Waxaa uu  shaaca ka qaada  in Waxgaradka ku  nool Magaalada Baydhabo uu Beelaha ay ka soo jeedaan ka codsaday in ciidamo ay  u keenaan isaga si Tababar loogu Furo  balse ciidankaas ay yihiin kuwii u dagalaami lahaa madaxweynaha Koofur galbeed oo ku doonaayo in si doo kalae ‘ uu ku weeraro siyasiyiinta mucaaradka ah ee uu ka hor istaagay in Baydhabo ay tagaan waqtigii doorashada ay ka socotay Magaalada Baydhabo.

Hase ‘ahaatee Hadalka ka soo baxay Malaaq Ilyaas Kuluboow Isaaq ayaa imaanaya Xili qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed ay ka wadaan Magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed oo ay uga soo horjeedaan Madaxweyne koofur galbneed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Malaaq Ilyaas Kulubow Isaaq:

Leave a Reply

Your email address will not be published.