Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in ay dishay mid ka mid ah Saraakiisha la baadi goobayay ee Al-Shabaab, kadib howlgalo la xiriira duqeyn dhanka cirka ah.
Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole waxa uu ahaa madaxa daaciyada ee al-Shabaab, sida uu sheegay jeneraalka Itoobiya.
Horey, Maraykanku wuxuu madaixiisa dul dhigay 5 milyan oo doolar oo qofkii keena ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto lacagtaasi lagu abaal-marinayo.
Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab iyo 3 kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency.
Janaraal Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay iny burburiyeen keydadkii hubka ee ay kooxda u diyaarisay inay ku weerarto Itoobiya.
Saddexda hogaamiye ee la dilay ayuu Janaarlka ku sheegay inay kala yihiin:
1.Fu’ad Mahamed Khalif [Shongole] oo u qaabilsanaa abaabulka iyo borobagandhada kooxda Al-shabaab.
2-.Cabdul Casiis Abu Musa oo ahaa afhayenka Al-shabaab.
3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool. Waa sida lagu baahiyay Ethiopian News Agency
Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay wali socdaan dagaalada ay kula jiraan dagaalyahanada Al-shabaab ee ku sugan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.
Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab weerar ku qaaday fadhiisimo ay ciidamada Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Atto ee gobolka bakool.