Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixiso ee lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed (AUN) Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska wasiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Mudane Xamse waxa uu sheegay in falalka argagixiso aanay marna niyad jabin doonin dadaalka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan amniga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta
inta la ogyahay11 qof oo kale, oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirka geeriyooday, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkaas.