Wasiirkii Cadaalada Koofur galbeed oo maanta Baydhabo lagu Aasay

0
167

Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu aasay maydka wasiirkii caddaaladda ee maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo shalay qarax lagu dilay, isaga, wiilkiisii iyo darawalkiisii, wax yar uun kadib markii ay ka soo baxeen salaaddii Jimcaha.

Wasiirro ka tirsan maamulka, madaxda gobolka iyo saraakiil ciidan ayaa ka qaybgalay aaska.

Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo ahaa wasiirka Caddaaladda ee maamulka Koogurgalbeed ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday qarax Ismiidaamim ahaa oo lagula eegtay magaalada Baydhabo salaaddii Jimcaha kadib xilli uu masjidka kasoo baxayey.

Wasiirka ayaa magaalada Xudur miyigeeda ku dhashay sannadlkii 1960-kii.

 Waxa uu ka mid ahaa dadkii ka faa’ideystay ololohii horumarinta reer miyiga ee Sannadkii 1974-tii.

Wuxuu waxbarsaho u aaday magaalooyinka Marka iyo Aw-dheegle, wuxuuna halkaasi ku soo bartay diinta, Qur’aanka iyo tafsiirkiisa.

 Sannadkii 1992-dii  ayuu Xudur ku soo laabtay wuxuuna ka bilaabay  Ganacsi kala duwan oo uu xoolaha, dharka ka mid yihiin.

 Markii ay Xudur qabsatay jabhaddii USC-SNA 1996, wuxuu la jiray jabhaddii ka soo horjeedday ee RRA.

Wuxuu noqday guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool sannadkii 2006-dii, wuxuuna ka tagay bishii afaraad ee 2011-kii.

 Kaddib la sameeyay Maamulkii Shariif Xasan wuxuu ka noqday xildhibaan, wuxuu sidoo kale soo noqday Wasiirka maaliyadda Koonfur-galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here