Golaha wasiirada Cusub oo dhawaan lagu dhawaaqi doono

0
167

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada, xili ay mudo yar uga harsan tahay waqtigii Golaha Shacabka ay u siiyeen in uu kusoo magacaabo.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn isha uga haya liiska la shaacinayo, ayada oo la filayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada siyaasiyiin qaarkood aan xildhibaano aheyn.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo soo geba-geboobeen wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo afmeeray kulamadii ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka, ayada oo liiska goordhow lagu dhawaaqi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here