Kenya ayaa 221 milyan oo shillinka Kenya ah, una dhiganta (2 Milyan oo dollar)ka faa’idey qaadka ay u soo dhoofisay Soomaaliya 4 maalmood ee lasoo dhaafay, sida uu sheegay Wargeyska Nation.
Warbixin uu daabacay Wargeysa Nation oo kasoo baxay dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in beeraleyda Qaadka Kenya ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo kali ah u soo dhoofiyeen 81.4 tan oo qaad ah.
Qaadka Kenya ayaa dib loo fasaxay kadib heshiis ay ku gaareen Nairobi, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, kadib 2 sano oo uu xayirnaa.
Madaxa Miraa Felix Mutwiri ayaa xusay inay rajeynayaan in dakhliga kasoo xaroonaya Qaadka uu sare u kaco maalmaha soo socda, maadama sida uu sheegay ay bateen dadka dalbanaya shatiga dhoofinta Qaadka si ay u geeyaan suuqa Soomaaliya
Warbixinta ayaa muujinaysa sida Kenya uu muhiim ugu yahay suuqa qaadka ee Soomaaliya, Waxaana jirtay in dhaqaale xumo baahsan ay soo foodsaartay beeraleyda Kenya, intii uu hakadka ku jiray suuqa Soomaaliya, oo ay joojisay Dowladdii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.