Alshabaab oo weerar ka geysatay gobolka Shabeelada Hoose.

0
106

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Golweyn oo hoostaga degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS &   Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen saldhigga ay ciidamadda ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo socday mudo kudhow saacad.

Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in ciidamadda Uganda ee la weeraray ay tiro madaafiic ah ku garaaceen dhanka wadada ay ku yimaadeen kooxda weerartay, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan, walow aan tirada rasmiga ah la sheegi karin.

Si kastaba, Saraakiisha Ciidmada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee inta badan ayaa weerarada noocaan oo kale ah uu ka dhacaa degaannada ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa howlgalka ATMIS, iyadoo weerarkan uu ku soo aadayo todobaad kadib markii Shabaab ay qarax ku dileen gudoomiyihii magaalada Marko ee xarunta Sh.Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here