Dhageyso: Maxay tahay caqabadaha Hortaagan Ansixinta Golaha wasiirada Cusub ee Soomaaliya ?

WARARKA

Golaha Wasiirada ee shalay la magacaabay ayaa durba la Kulmaya Saluug Baarlamanka dhexdiisa ah waxaana dadka ka carooday ugu horeeya Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin.

Sacdiyo Yaasiin ayaa diiday in ay la kulanto Wasiiru Dowlaha magacaaban ee Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Reysul Wasaaraha Maxamad Abukar Subeyr kuwaasi oo doonayay in ay qanciyaan Marwo Sacdiyo.

Nabadoon Ahmad Maxamed Calasow oo kamid ah waxgaradka Soomaliyeed ayaa kahadlay Caqabadaha Horyaha Golaha wasiirada XFS oo ay ugu Horeeyaan Ansxinta Golaha wasiirada

Nabadoon Ahmad Maxamed Calasow ayaa sidoo kale kahadlay Diidmada katimitimd Gudoomiye kuxigeenka 1 aad ee barlamnka Somalia ee ku aadan Magacaabista Golaha wasiirada Soomalia

Sidoo kale waxaa jira Guux Baarlamanka dhexdiisa ah inkastoo ilaa iyo hada aaney muuqan Kutlooyin Xoog leh waxaase jira dareen arintan ku saabsan oo ay qabaan qaar kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ray’iisul Wasaaraha Wasaarah Soomaaliya Xamza Abdi Barre ayaa  la filayo inuu  kulamo  la yeesho  xildhibaanada  golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka kulamada ayaa sidii xildhibaanada loogu qancin lahaa in ay meelmariyaan xukuumadda cusub uu soo dhisay R/Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Golaha wasiirada  ayaa ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Waraysiga Nabadoon Axmed Maxamed Calisoow Nabdoon Kaanti:

Leave a Reply

Your email address will not be published.