Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle Jacfaan oo ku baaqay in lala shaqeeyo Hay’adaha Amniga dawlada Federaalka Soomaaliya

WARARKA

Gaashaanle sare Cumar Cabdulle Jacfaan oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Xoogga  dalka gaar’ahaan  Guutada 12 Apriil ayaa ka hadlay xaalada Amni ee dalka.

Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa ugu horreyn ka hadlay Amniga Magaalada Muqdisho iyo Hawlgalada Ciidanka dawlada ay ku xaqiijinayaan amniga isaga oo sheegay in Wasiirka Magacaaban ee Amniga ay hortaalo Hawl Culus ee la xiriirta Amniga iyo wax ka qabashada Dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciyaal Weerada oo uu sheegayin ay ka daran yihiin Sshabaabka balse waxaa uu sheegay in illlaa iyo inta laga Ansixinayo Golaha Wasiirada Cusub in wasiirka Magacaaban ee Amniga uusan Tallaabo qaadi karin inta ay ka meel marinayaan XukuumaddaCusub Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya .

Ugu dambeeyntii Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle jacfaan ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah in ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si wax looga qabto Ciyaal weerada iyo Falal kale ee lidiga ku ah Amniga guud ee dalka .

Halakaan Hoose ka DhageysoWaraysiga Gaashaanle Sare Cumar Jacfaan:

Leave a Reply

Your email address will not be published.