Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa berri yeelanaya kulan, kaas oo ay codka kalsoonida ugu qaadi doonaan Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Farriin loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka Golaha oo qabsoomay berri oo axad ah.
“Beri oo Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.
Agendaha ‘1. U codeynta kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda’.
Olale xooggan ayaa ay wadaan Wasiirada magacaaban, kuwaas oo kulamo la leh xubnaha Golaha Shacabka BJFS ee beelahooda kasoo jeeda.