Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Ansixinta Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya
Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Golaha Samata bixinta Awdigilee ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah Waxgaradka Koofur Galbeed ayaa bogaadiyay Talaabadii Xildhibaanada Golaha shacabka Codka Kalsoonida ay ku siiyeen Xukuumadda Cusub ee Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Suldaan shariif Cali Xasan Ibraahim ayaa ugu baaqay Maamulka Koofur Galbeed in ay soo dhaweeyaan Ansixinta Golaha wasiirada Cusub islamarkaana ay la shaqeeyaan.
Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Suldaan shariif