Diyaarado duqeeyay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

0
16

Wararka ka imaanmaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay haatan duqeymo culus ka wadaan deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in haatan duqeymaha ay ka geysanayaan deegaanada Qabno iyo Buurta Surtaag oo ah deegaano hoostaga degmada Matabaan ayaa la rumeysan yahay iney leedahay dowladda Itoobiya oo dhawaan duqeymo noocaan oo kale ah ka geystay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.

Duqeynta diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in si gaar ah uga dhacday Saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin Buurta surtaag iyo Qabno, waxaana la tilmaamay in diyaaradaha duqeynta geystay ay joog hoose ku socdeen, dadka deegaanka waxay sheegeen in weli maqlayo jugta qaraxyada madaafiicda ay tuurayaan diyaaradaha Itoobiya ee duqeymaha geysanaya.

Illaa hadda lama Oga khasaaraha ka dhshay duqayntaas balse wararka ayaa sheegaya in Dad degaanka Cabsi Xooggan ay la soo darastay taas oo la xiriirta in duqaynta diyaaradaha ay iyaga saameyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here