Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya xukuumadda Cusub ee Soomaaliya

0
38

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan weyne ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka golaha shacabka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay u codeynta  iyo kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.

Raโ€™iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa horay uga codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku bogaadiyey Raโ€™iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here